Shirkii Golaha Wasiiradda koonfur galbeed oo arrimo kala duwan loga hadlay

HomeWararka

Shirkii Golaha Wasiiradda koonfur galbeed oo arrimo kala duwan loga hadlay

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, Mudane; C/Casiis Xasan Mohamed lafta –gareen, ayaa Maanta guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay

Ha ku Afurin Cabitaan aad u qaboow (Maqaal)
Haweenka hanka siyasadeed leh maxay ka baran karaan doorashadii Somaliland? (Daawo)
Xulashada Daljir & Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, Mudane; C/Casiis Xasan Mohamed lafta –gareen, ayaa Maanta guddoomiyey Shirkii ugu horeeyay ee Golaha wasiirrada Maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay dhammaan Wasiirrada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ugu horeyn isu bartay Wasiirrada dhawaan la Magacaabay iyo Madaxweyne Lafta gareen.

Waxaa inta badan looga hadley shirka, sidii ay xilalka isugu wareejin lahaayeen Wasiirrada cusub iyo kuwii hore,iyo sidii loo dar-dar galin lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka Jira degaannada Koonfur galbeed.

Golaha wasiirrada ayaa isla soo qaaday, sida ugu habboon ee loo wajihi karo wax ka qabashada xaaladaha haatan taagan oo ay ay ka mid Yihiin Biyo yarida ,amniga, Caafimaadka , Waxbasharada , Caddaaladda Iyo furidda waddooyinka ay go’doomiyeen Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Shalay ayey ahayd markii cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen Xildhibaannada Baarlamanka Koonfur galbeed Soomaaliya Golaha Wasiirrada cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: