HomeUncategorized

Tahriibayaal Soomaali ah oo laga bad-baadiyay Dooni ku qalin-bantay Tunusia

Axad, May 24, 2015 (Daljir) — Shan qof ayaa geeriyootay, 49 kalena waa la soo badbaadiyey, kadib, markii ay dooni waday Tahriibayaal ku qalibantay Xeebaha Bariga ee dalka Tunisia.

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweynaha Shaqaalaha rayidka ah ee dowladda Itoobiya oo kulmay
Mudaaharaad rabshado wata oo ka dhacay magaalada Laascaanood, sababayna dhimasho iyo dhaawac dad rayad ah.
Caawa iyo Daljir, arbaca, April 3, 2013, Maxamuud Cabdi Ibraahim (Daljir Boosaaso)

Axad, May 24, 2015 (Daljir) — Shan qof ayaa geeriyootay, 49 kalena waa la soo badbaadiyey, kadib, markii ay dooni waday Tahriibayaal ku qalibantay Xeebaha Bariga ee dalka Tunisia.

Doonidaasi oo ka shiraacatay Dekedda Degmadda Monastir, ayaa la sheegay inay cillad la kulantay, xilli ay ku sii jeedeen Jesiiradda Lampedusa, oo masaafo ahaan 160-Km u jirta Dekedda Monastir ee Tunisia.

Sarkaal u hadlay Ciiddanka Badda ee dalkaasi ayaa xaqiijiyey inay soo badbaadiyeen 49-Tahriibayaal u kala dhalatay dalalka Somalia, Eritrea, Sudan, Masar iyo Syria.

Dhinaca kale, Tahriibayaasha ka ambabaxa Xeebaha dalka Tunisia ayaa la sheegay inay sii kordheen, iyadoo inta badan Tahriibayaasha ku sugnaa dalka Libya ka soo carareen, kuna sugan yihiin dalka Tunisia.

Toddbaadkii hore ayey Maleeshiyadda Dowladda Libya ee aan Aqoonsiga Calaamiga haysanin bilaabeen Hawlgal ay ku raafayeen Tahriibayaasha shisheeyaha, oo ay Soomaalidu ka mid yihiin ee qorsheynayey inay raacaan doonyaha ku sii jeeda Xeebaha dalka Talyaaniga.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: