Haweenay geeriyootay maalmo kadib markii xil dowladeed loo dhaariyay

HomeWararka

Haweenay geeriyootay maalmo kadib markii xil dowladeed loo dhaariyay

Guddoomiyaha dowlad goboleedka Puebla State  ee bartamaha dalka Maxico Martha Erika Alonso ayaa shil diyaaradeed ku geeriyootay maalmo kadib markii lo

Waraysi :Cudur aan hore loo arag oo ka dilaacay deegaano ka tirsan gobolka Sool (daawo)
Dowladda iyo AMISOM oo howlgal wada jir ah ka fuliyay Bakool
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Guddoomiyaha dowlad goboleedka Puebla State  ee bartamaha dalka Maxico Martha Erika Alonso ayaa shil diyaaradeed ku geeriyootay maalmo kadib markii loo dhaariyay xafiiska madaxa dowlad goboleedkaasi,.

Shilkan diyaaradeed ayaa waxaa ku geeriyooday ninkeeda oo ahaa Senator katirsan Maxico Rafael Moreno Valle iyo laba duuliye iyo hal rakaab ah oo diyaaradda la socday.

Diyaaradda ayaa burburtay saacado kadib markii ay ka kacday caasimadda dowlad goboleedka Puebla.

Ms Alonso ayaa ahayd haweenaydii u horaysay ee loo dhaariyay xilka ugu saraysa dowlad goboleedka  Puebla, waxaana ay ahayd 45- sano jir katirsan xisbiga PAN, waxaana geerideeda ka xumaaday shacabka dalka Mexico iyo madaxwaynaha dalkaasi Andrés Manuel López.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: