HomeUncategorized

Deegaano Hoos-taga Gobolka Bari oo biyo la’aan laga Soo Sheegayo

Arbaco, Abriil 15, 2015 (Daljir) — Maamulka degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegay in biyo la’aan daran oo ka jirta degmada ay saamayn xoogan ku reebtay dadkii deeegaanka ,isla markaana loo baahan-yahay in arintan si deg deg ah wax looga qabto.

Dhagayso Barnamaijkii Martisoor 28 Oct 2016 – Wariye Axmed Shiikh Maxamed Tallman Studio Daljir Boossaaso
Baahin: Axad, May 01, Weriye C/fitaax C. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Warbixin ay QM ka soo saartay xaalada Somaliya; Prof. Maxamed Xareed Cali ayaan ka waraysanay … Taliyihii ciidanka AMISOM ee Somaliya ee la badelay oo la sagootiyey, taliyaha cusub oo la soo dhaweeyey; M/weyne Shariif oo ka hadlay … Shir lagu gorfeeyey isk-horimaadkii ka dhacay xaafada Garsoor oo ka dhacay madaxtooyada Galkayco … Maalinta shaqada & shaqaalaha aduunka oo laga xusayo Puntland; Indha-gurad, wasiirka shaqada & shaqaalaha ayaa ka waraysanay …
DHEGEYSO-Taliyaha qaybta booliska gobolka Nugaal oo ka hadlay arrimo dhowr ah.

Arbaco, Abriil 15, 2015 (Daljir) — Maamulka degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheegay in biyo la’aan daran oo ka jirta degmada ay saamayn xoogan ku reebtay dadkii deeegaanka ,isla markaana loo baahan-yahay in arintan si deg deg ah wax looga qabto.

“Dhibaatada noogu daran waxa ay tahay degmada oo aan lahayn  ceelal ku filan, xiligan la joogana biyo la’aantu waxa ay saamaysay in kabadan 30 tuulo oo hoostaga Qandala,“ ayuu yiri gudoomiyaha Qandala Jaamac Maxamed oo la hadlay warbaahinta gudaha.

“Waxa dadku ay bilaabeen in ay ka hayaamaan tuulooyinkii ay ku noolaayeen, iyagoo biyo raadinaya ,kumana filna ceelalka halkan ku yaala,“ ayuu mar kale yiri gudoomiyaha oo ugu baaqay dowladda in aritnan ay wax ka qabato.

Masuulkan ayaa sheegay in tuulooyinka qaar oo horey barkado uga cabi jiray ay hadda ku sugan-yihiin xaalad quus ah, wuxuuna sheegay in tani ay sabab tahay xilli roobaadkii oo ka soo daahay degmada, iyadoo aysan ilaa iyo hadda jirin wax gargaar ah oo ay ka heleen maamulka gobolka Bari.

Dhinaca kale gudoomiyaha ayaa sheegay in degmada Qandala uusan kajirin dugsi sare loona baahanyahay in xiligan la hirgaliyo, isagoo tilmaamay in howshan ay kala kaashan doonaan wasaaradda waxbarashada ee Puntland.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha ayaa ka dalbaday hay’adda biyaha Puntland ee PSWEN in loo soo gurmado dadka ku dhibaataysan degmada, wuxuna xusay in wasaaradda arimaha gudaha looga baahan-yahay waxkaqabashada arintan.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: