HomeUncategorized

Khasaaraha ka dhashay beeralay ku diriray shabeelaha dhexe oo sii kordhaya

Jowhar, October 19, 2013 - Beeralay ayaa ku dagaalamay deegaanka Buulo-bannaan ee ku dhow degmada Jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaas oo saacadihii tegay ay ka jirtay xiisad dagaal oo la xiriirta muran.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Khadar Cawl Ismaciil.
Xiisad colaadeed oo ka taagan Kismayo & Xisbul Islam iyo Al-shabaab oo guulo sheegtay.
Ergeyga Qaramada Midoobey ee carrurta oo soo dhaweeyey cunqabataynta la saaray dadka ku xad-gudba xuquuda carruurta ee Somalia.

Jowhar, October 19, 2013 – Beeralay ayaa ku dagaalamay deegaanka Buulo-bannaan ee ku dhow degmada Jowhar ee gobolka shabeelaha dhexe, halkaas oo saacadihii tegay ay ka jirtay xiisad dagaal oo la xiriirta muran beereed.

Hal ruux ayaa dhintay saddex kalena dhaawac ayaa soo gaaray markii uu qarxay dagaal u dhexeeyo beelo wadda degan tuulada, kuwaas oo isku haysta beero ka jira deegaanka.

Wararka aan ka helayno degmada Jowhar ee shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in hadda ka hor uu dagaal dhexmaray beelaha dirirtu u dhexayso maanta, balse horay heshiis loo dhex dhigay.

In kastoo dagaalku qaboobay waxaa iyana warar aan helayno ay sheegayaan in xiisadu ay taagan tahay, isla markaasna laga cabsi qabo in uu dagaalku sii socdo, maamulka dowladda ee gobolka weli kama hadlin xiisada jirta.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: