HomeUncategorized

AMISOM oo sheegay in guulo waa weyn oo nabbad iyo xasilooni ah ay u horseedeen dalka Soomaaliya

Kampala, Aug 6, 2013 - Howgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa guul wax ku ool ah ku tilmaamay labba sano kadib markii kooxda Al-shabaab laga saaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyo wejigii labbaad.

Baahin: Mar 29, Weriye Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Muqdisho: Dawlada federaalka ah ee Somaliya oo shahaada sharaf guddoonsiisay ashkhaas dawr ka qaatay siidaynta lammaane British ah oo ay afduub u haysteen dabley Somali ah; M/weyne Shariif oo munaasabadaas kaga hadlay qoraalo foojari ah oo uu sheegay in laga faafiyey dawladiisa … Bossaso: Gen. Yusuf Axmed Khayr, wasiirka amniga ee Puntland oo bahala-galeen ku tilmaamay mid ka mid ah xaafadaha Bossaso; tacsina ka diray dilka nabadoon Axmed Saalax Caynab oo habeen hore lagu dilay Bossaso … Buurtinle: Shacabka Buurtinle oo dhaliilay kaalinka dawlada Puntland ee gurmadka abaaraha, codsanayna gargaar deg deg ah … Buuhoodle: Dawlada Puntland oo gaarsiisay gobolka Cayn raashin mucaawino ah oo dhan 70 ton …
War Murtiyeed laga soo saaray shirkii golaha wasiirada Puntland.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Saaka iyo Dunida iyo Khadar Cawl.

Kampala, Aug 6, 2013 – Howgalka nabad ilaalinta ee AMISOM ayaa guul wax ku ool ah ku tilmaamay labba sano kadib markii kooxda Al-shabaab laga saaray magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyo wejigii labbaad ee lagu xoreeyey dhowr magaalo oo ka tirsan dalka.

Wakiilka midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Mahamat Saleh Annadif wuxuu sheegay in uu sii socon doono howgalka AMISOM, kaas oo ah mid lagu taageerayo nabbada Soomaaliya isla markaasna lagula dirirayo ururka al-shabaab.

Mr. Annadif wuxuu sheegay in howgalkii ugu horeeyey ee AMISOM lagu xoreeyey caasimada dalka, taasi oo dhabar-jab weyn ku noqotay ururka Al-shabaab, wuxuu intaas ku daray Annadiif in tan iyo markii Xamar laga qabsaday al-shabaab ay guul darooyin dhowr ah soo wajaheen ururka.

Wuxuu ku cel-celiyey Annadiif in ay muhiim tahay in la xuso guulaha ay AMISOM ka soo hoysay nabbada Soomaaliya, wuxuu xusay in qabashadii Beledweyne, Baydhabo iyo Kismaayo ay ka shaqeeyeen meleteriga Afrika ka socda.

Wakiilka midowga Afrika wuxuu ka dalbaday shacabka Soomaaliyeed iin ay la shaqeeyaan howlgalkooda si guul wax ku ool ah looga gaaro nabbada dalka Soomaaliya iyo dhibaatooyinka soo noq noqda, isagoo intaas ku daray in ay haatan qorshe u dejinayaan sidii loo yarayn lahaa weerarada jabhadaynta ah ee Al-shabaab.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: