HomeUncategorized

Hugaanka Jubbaland oo ku baaqay shir la isugu keenayo beelaha deggan gobollada maamulkaasi

Kismaayo, Aug 4, 2013 - Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa ku baaqay shir dib u heshiisiin ah oo la dhex-dhigayo beelaha wadda degan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

(Sawirro)Kooxda Comsed oo cashar lama ilaawaana u dhigtay Dawladda hoose.
Mucamar Al-Qadaafi oo magaalada uu ka soo jeedo ee Sirta lagu dilay.
Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Maanta safar shaqo ugu amba baxay dalka Itoobiya

Kismaayo, Aug ?4, 2013 – Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Madoobe) ayaa ku baaqay shir dib u heshiisiin ah oo la dhex-dhigayo beelaha wadda degan gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee koonfurta Soomaaliya, halkaas oo uu ka arrimiyo maamulka Jubbaland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ?ay muhiim u arkaan in ?wakhtigan la qabto shir balaaran oo dib u la isugu keenayo beelaha wadda degan gobolladaasi, xili ay jiraan khilaafyo u dhexeeya dadka gobolka, halka kuwa kalena ay ka soo horjeedaan maamulka.

? Waxaa looga wadda tashan doonaa shirka, sidii loogu midoobi lahaa Jubbaland loona dhamayn lahaa khilaafaadka jira, waa tan ugu muhiimsan ee wakhtigan ka jirta gobolka? ayuu yiri Axmed Madoobe.

Docda kale madaxweynaha jubbaland Axmed Madoobe waxaa uu baaq u jeediyey saraakiisha iyo ciidamada ammaanka ee magaalada Kismaayo, isagoo ?sheegay in loo baahan yahay in la xaqiijiyo amniga guud magaalada xeebta ah.

Madaxweynaha ayaa hadalkan jeediyey xili uu booqasho ku marey shalayto xaruumaha muhiimka ah ee ku yaala magaalada Kismaayo, lama oga sida uu suurtagal ku noqon karo shir dib u heshiisiin ah oo dhexmara beelaha Jubbaland.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: