Xujayda oo maanta u bilaabanayso Acmaasha Xajka

HomeWararka

Xujayda oo maanta u bilaabanayso Acmaasha Xajka

Tirada xujeyda sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka ayaa kor u dhaaftay 2 milyan oo xaaji iyadoo boqortooyada Sacuudiga ay dhameysay diyaar garowga arr

SHINIILE: QEYBTA 1AAD, WARAYSI KU SAABSAN WAAYIHII NOLOLEED & WAXA UU USOO JOOGAY MID KAMID AH ASKARTII SIYAAD BARE (daawo)
Mareykanka iyo Ruushka oo heshiis ka gaaray Suuriya
Qaraxyo Kadhacay Muqdisho Dhimashadu waa 11 iyo Ka Badan Xilli Rasaas Wali Dhacayso

Tirada xujeyda sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka ayaa kor u dhaaftay 2 milyan oo xaaji iyadoo boqortooyada Sacuudiga ay dhameysay diyaar garowga arrintaas ku aadan.

Maanta oo Axad ah ayaa malaayiinta xaaji ay u bilaabanaysaa acmaasha xajka, wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga afhayeen u hadlay oo lagu magacaabo, Maj. Gen. Mansour Al-Turki ayaa sheegay in Talaadada ay tahay maalinta ciida isla markaana xujeyda ay istaagi doonaan banaanka Carafo.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkan wax badan ka bedeshay qaabka loo gudanayo Xajka, iyadoo la dhameeyay qeybo cusub oo lagu kordhiyay Dhawaafka iyo Jamaraadka.

Wasiirka arrimaha gudaha Sacuudiga Mohammed Salih Bentin ayaa sheegay in sanadkan soo kordhiyeen qalab electronic ah oo xaajiga loo xireyo kaas oo sheegaya macluumaadka xaajiga

“Waxaa sameysay in ka badan 18,000 buses, oo dhammaan isku wada xiriirsan .” ayuu yiri wasiirku.

In ka badan 30,000 oo shaqaale caafimaad ayaa sanadkan wasaaradda caafimaadka ugu talagashay in ay caawiyaan martida alle.

Hye’adda bisha cas ee Sacuudiga ayaa dhankeeda sheegtay in 127 xarumood oo gargaarka deg dega ah hirgelisay isla markaana ay ka shaqeyn doonaan 361 Ambulances, 20 Mooto iyo 2,000 shaqaale oo ka howlgali doona magaalooyinka Maka iyo Madiina.

Sidoo kale, 22 Isbitaal ayaa laga dhisay magaalada Madiina iyo guud ahaan goobaha barakeysan iyo 650 howlwadeena caafimaad oo dheeraad ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: