Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Faderaalka oo ka jawaabay hadalka Raysal wasaaraha Itoobiya

HomeWararka

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Faderaalka oo ka jawaabay hadalka Raysal wasaaraha Itoobiya

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay waraysi uu bixiyay raysal wasaaraha Itoobiya oo uu ku she

Xulashada Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Qardho (dhegayso)
Warka Fiidnimo iyo Cabdinaasir Ibraahin Maxamed (dhegayso)

Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Faderaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay waraysi uu bixiyay raysal wasaaraha Itoobiya oo uu ku sheegay heshiiskii ay wada galeen Soomaaliya iyo Itoobiya inuu ahaa mid lagu midaynayo labada dal oo ay hal dowladood ku wada noqonayaan.

Wasiirka oo arrintaasi la waydiiyay xilli uu waraysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa waxaa uu ku sheegay in heshiiska ay wada galeen Soomaaliya iyo Itoobiya uu yahay mid ku dhisan danno dhaqaalle oo labada dal ay kala faa’iidaystaan iyadoo la kala madaxbanaanyahay.

“Heshiiskani wuxuu ku saabsanaa dhinacyo badan, heshiiskani mudo ayuu soo socday, mar walba waxaa laga duulayay laba dowladood oo deris ah, waxaa aad looga hadlay xiriirka dhaqaale ee labada dowladood, suuq macno leh ayaa halkan ka dhalanaya, waxaan kuu sheegi karaa in ay wada hadleen laba dal oo kala madax banaan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya wixii uu ka hadlay waa wax dalkiisa quseeya”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Wasiirka oo la waydiiyay heshiiska inuu kusoo beegmay xilli ay Itoobiya ay yeelatay ciidamo badeed, iyadoona uu jiro shaki arrinkaasi laga muujiyay iyo waxa isku soo beegay hadalka raysal wasaare Abey Axmed ayaa waxaa uu ku jawaabay.

“Dowladda ka talisa Soomaaliya inay horumariso mooyee hoos ugama dhigeyso, gobonimada iyo madax banaanida Soomaaliya waa laba taabtaan, Dekedaha iyo dalka cid la siiyay ma jirto, laakiin iskaashi dhaqaale oo dowlad kasta oo adduunyada ka mida haddii ay timaado la yeelan laheyn waaye waxaa meesha ka dhacaya, waana wax maslaxad Soomaaliyeed ku jirto”

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: