Mid ka mid ah beelaha dega Sool oo ciidamo ku wareejiyay Puntland (sawiro)

HomeWararka

Mid ka mid ah beelaha dega Sool oo ciidamo ku wareejiyay Puntland (sawiro)

Waxaa maanta soo gaaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ciidamo badan oo kasoo jeeda mid ka mid ah beelaha gobolka Sool oo ay ugu deeqeen maamulka P

Madaxweynaha Galmudug oo soo dhaweyeey doorashadii dhuusamareeb ka dhacday
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso (dhegayso)

Waxaa maanta soo gaaray deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ciidamo badan oo kasoo jeeda mid ka mid ah beelaha gobolka Sool oo ay ugu deeqeen maamulka Puntland, si’ay qayb uga noqdaan soo celinta deegaanada gobolka Sool ee gacanta ugu jira Somaliland.

Wasiirada arimaha gudaha, ammaanka, haweenka iyo wasiir kuxigeenka caafimaadka Puntland ayaa ciidamadan kusoo dhoweeyey deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool.

Ciidamadan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin soo celinta deegaamada ka maqan gacanta dowladda ee ku jira gacanta Somaliland.

Maalmihii lasoo dhaafay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa waxaa ka jiray kacdoono iyo dibadbaxyo looga soo horjeedo joogitaanka ciidamada Somaliland ee gobolka Sool, waxaana ku dhaawacmay dad badan oo shacabka magaalada ka mid ahaa, maamulka Somaliland ayaa qaaday talaabooyin uu ku xiray boqolaal ruux oo ka mid ah shacabka magaalada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: