HomeUncategorized

Wasiirada RW Saacid iyo Kuwii hore oo kulan yeeshay.

Muqdisho Nov 17 Kulan uu shir gudoominayey Ra'isal Wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Md Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayna kuwada dhamaayeen wasiiradii Xukuumaddi Badbaado Qaran iyo Wasiirada Xukuumadda Ra'isal Wasaarre Saacid ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho.

Wasaarada Deeganka ee Puntland oo Maantey soo bandhigtay mashaaric Biyo Xireen ah oo laga Fulinayo Gobollada Nugal & Karkaar.
Qarax dhimasho iyo dhaawac geystay oo ka dhacay Beledweyn. [Akhris …]
Faah-Faahin:Safarkii Madaxweynaha Somalia uu ku tagay magaalada Baladweyne

?

Muqdisho Nov 17 ?Kulan uu shir gudoominayey Ra’isal Wasaaraha Dawlada Federalka ah ee Soomaaliya Md Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayna kuwada dhamaayeen wasiiradii Xukuumaddi Badbaado Qaran iyo Wasiirada Xukuumadda Ra’isal Wasaarre Saacid ayaa ka dhacay magaaladda Muqdisho.
?
Shirkan oo ujeedadiisu ahayd wadatashi ?ayaaa Wasiiradda Cusub ee hada xilka loo dhaariyey waxay khibradooda waaya aragnimo ugaa faa’iidaysanayeen xilalka cusub ee ay qabteen, wasiiradii xilka uga horeeyey.
?
Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo Isgaarsiinta Cabdullaahi Cilmooge Xersi oo saxaafadda la hadlay Kulanka kadib ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsanaa wadatashi iyo qaabkii loo fududeyn lahaa in Wasiir walba uu ula wareego Xafiiska ?uu masuulka ka yahay waxa uuna intaasi raaciyay in looga mahadceliyay Xukuumaddii hore waxa ay qabtay muddadii ay shaqeyneysay.
?
Waa kulankii u horeeyey oo ay yeeshaan Wasiiradda Cusub ee Soomaaliya iyo kuwii ka horeeyey tan iyo markii la magacaabay Wasiirada Xukuumadda Ra’isal Wasaare Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: