Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubno katirsan Maamulkaasi ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed. Kulanko

Faysal Rooble: “Anniga Munaasab ilama ahaa xiligan ka hadlidda dastuurka”
Shacabka Badhan: “dhawr iyo labaatan sano kadib ma rabno doorasho suuq madow ah,”
Fashilka wadada Garoowe-Gaalkacyo iyo falceliska darawalada iyo gaadiidleyda (dhegayso)

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubno katirsan Maamulkaasi ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed.

Kulankooda ayaa ka dhacay Magaalada Addis Ababa, waxa ayna kawada hadleen Sidii Itoobiya ay u taageeri laheyd Maamulka Jubbaland.

Wafdiga Axmed Madoobe ayaa maalmahaan ku sugnaa Magaalada Addis iyadoona War kasoo baxay Maamulka Jubbaland lagu sheegay in Howlo shaqo ay halkaa u aadeen.

Madaxweyne Axmed Madoobe waxaa kulanka ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose Maxamed Warsame Faarax Darwiish iyo Wasiirka adaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta Aadan Aw Xirsi.

Itoobiya Ciidamo ka socda ayaa ku sugan Deegaanada Maamulka Jubbaland, waxayna ku howlgalaan Magaca AMISOM.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    WAR MAAMULADAAN YAR YAR EE ISU HAYSTA DAWLAHA YAA INAGA KARBAASHA
    GAAS & MADOOWAA WAXOODU WAA KADAREEY.

DISQUS: