Ciidanka Puntland oo howlgalo ka sameyeey gobalka Bari

HomeWararka

Ciidanka Puntland oo howlgalo ka sameyeey gobalka Bari

Ciidamada Badda Puntland qeybta loogu magacdaray la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ku yaalla D

Bajaajleyda Gaalkacyo oo sameyeey Banaanbax
Warka Fiidnimo, Ayaanle Cabdulaahi Jaamac, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)
Wararkii ugu Dambeeyey ee Galgala iyo Ciidanka oo Howlgallo Bilaabay

Ciidamada Badda Puntland qeybta loogu magacdaray la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa waxa ay howlgallo ka sameeyeen deegaano ku yaalla Dhulka Buuraleyda ah ee Gobolka Bari.

Howlgalka ayaa ciidamada waxa ay sigaar ah uga sameeyeen deegaannada Bali-khadar, Sugurre, Qahabta iyo degaanada ku dhow dhow,waxaana saraakiisha ciidamada hogaamineysa ay sheegeen in uu yahay howlgalkaas mid amniga lagu xaqiijinayo.

Saraakiisha ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in heegan buuxa la geliyey ciidamada Badda Puntland qeybtooda la- dagaalanka argagaxisada kadib markii tiro ka dhowr jeer miinooyin ay ku waxyeeloobeen Ciidamo ka tirsan Puntland iyo dad Shacab ah wadada la geliyey.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: