Xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed oo lagu dilay Muqdisho

HomeWararka

Xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed oo lagu dilay Muqdisho

Kooxo hubaysan ayaa ku toogtay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho xildhibaan Ruqiyo Xasan Abshir (Gabbane)  oo katirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed

Burtinle: Qoysas danyara oo la gaarsiyey deeq raashina
Caawa & Daljir iyo Xuseen Madar , Daljir Garoowe (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso)

Kooxo hubaysan ayaa ku toogtay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho xildhibaan Ruqiyo Xasan Abshir (Gabbane)  oo katirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Dilka ayaa waxaa uu dhacay xilli marxuumadda ay ku jirtay goob caafimaad oo ku taalla degmadaasi, waxaana baxsaday kooxihii dilka gaystay.

Guddoomiye kuxigeenka baarlamaanka koonfur Galbeed  Aweys Xasan Maxamed oo ka hadlay dilka ayaa ku eedeeyey ururka Al-shabaab inay gaysteen, waxaana uu tacsi uu udiray shacabka iyo eheladii ay marxuumadda ay ka baxday.

Waa xildhibaankii labaad oo katirsan Koonfur Galbeed oo la dilo, 7dii bishaan ayay ahayd markii deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho lagu dilay xildhibaan katirsan Koonfur Galbeed, kadib markii qarax loo geliyay wadada dhinaceeda xilli uu kusii jeeday Shabeelada hoose.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: