Laba Qarax oo kadhacay Muqdisho

HomeWararka

Laba Qarax oo kadhacay Muqdisho

Qaraxyo ayaa maanta kadhacay magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay soo badanayeen dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Abukar Arman: Axdifurkii Farmaajo ee Ummadda Soomaaliyeed
Wasiir Goodax Barre: ” Lama Musuq Maasuqo Deeqaha Waxbarasho ee Caalamka ka helno” (Daawo)

Qaraxyo ayaa maanta kadhacay magaalada Muqdisho, iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay soo badanayeen dilalka iyo qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Qaraxa hore ayaa ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, kadib markii gaari nooca yar ee loo yaqaano Kaarib qarax lala eegtay, waxaana khasaare kasoo gaaray ciidamo katirsan dowladda oo watay oo tiradooda lagu sheegay sadex kuwaasi oo xiligaan carumaha caafimaadka loo qaaday dhaawacooda.

Qaraxa labaad ayaa ka dhacay wadada Warshadaha ee gobolka Banaadir, kadib markii uu qarax kadhacay goob qaraxa lagu aasay, mana jirto khasaare kadhashay.

Shalay ayaa sidoo kalle laba qarax ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, iyadoona ay ku geeriyoodeen afar ruux.

Khamiistii lasoo dhaafay qarax kadhacay hotel ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyooda 15-qof.

Dowladda faderaalka Soomaaliya ayaa ku mashquulsan mowshin iska soo horjeeda oo ka dhextaagan golaha baarlamaanka ee Soomaaliya.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: