Maalinta Haweenka oo laga Xusay Meelo Baddan oo dalka kamid ah

HomeWararka

Maalinta Haweenka oo laga Xusay Meelo Baddan oo dalka kamid ah

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ay ugu qareemaan haweenka S

Naafada Gobolka Mudug oo Gurmad La Gaarsiiyey (DHEGAYSO)
Baydhabo: Koonfur Galbeed oo Magacaawday Guddi Baarlamaan ee doorashada Aqalka Sare
Madaxweynaha Puntland oo amaro culus dul dhigay saraakisha Puntland (Daawo)

Muqdisho waxaa lagu qabtay Munaasab ay soo qaban-qaabisay Madasha Horumarinta Haweenka oo ah madal ay Sameysay UNWomen si ay ugu qareemaan haweenka Soomaaliyeed.

Munaasabadda oo lagu xusayaay Maalinta Caalamiga ee Haweenka 8 Maarso waxaa ka soo qeyb galay Xubno ka socday Xukuumada Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Hogaamiyaasha ururada Ka shaqeeyo arrimaha Haweenka, Xubno ka socday Maamulka Galmudug iyo Marti sharaf kale oo lagu cazuumay, sidoo kale waxaa qadka telephone- ka uga qeyb qaadatay Faadumo Qaasim Dhayib oo ah xoghaya Maamulka Barnaamijyada UNWomen ee Soomaaliya Maadaama ay haweenkani ka caawiyeen qabsashada Munaasabada.

Munaasabadu intii ay socotay waxaa diiradda lagu saaray ka hadalka waxyaabihii Haweenka Soomaaliyeed u qabsoomay tan iyo Sanadkii hore, iyo halka ay rabaan in haweenka soomaaliyeed ay gaaraan. Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sheekh Axmed oo goobta ka hadashay ayaa sheegtay in Haweenka Soomaaliyeed dhibaatooyin badan ay soo mareen balse maanta loo baahan yahay in aan dib loogu laaban meeshii laga soo kacay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: