Guddiga dib u eegista Dastuurka oo Kalsoonidi kala laabtay Wasiir Xoosh

HomeWararka

Guddiga dib u eegista Dastuurka oo Kalsoonidi kala laabtay Wasiir Xoosh

Guddiga Dib u eegista ayaa oo qoraalka ay soo saareen ka koobnaa Lix qodob ayaa waxa ay sheegeen kalsooni kala noqoshada Wasiir Xoosh in ay ku war gal

Gaalkacyo: Dilalka Indheergaradka waa lala Fakadaa Laakiin Qaadka iyo Anshax-xumada Marnaba Maya!
Warka Caweysin, Maxamuud Cabdi Ibraahin, Daljir Boosaaso (dhegayso)
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Maanta Daahfuray Barnaamij lagu Tirakoobayo Shaqaalaha Rayidka ah ee dawladda

Guddiga Dib u eegista ayaa oo qoraalka ay soo saareen ka koobnaa Lix qodob ayaa waxa ay sheegeen kalsooni kala noqoshada Wasiir Xoosh in ay ku war galiyeen Gudoonka Labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Arrimaha ay ku eedeeyeen Wasiirka Dastuurka ayaa waxaa ka mid ah inuu ka baxay wada shaqeyntii ay ka lahaayeen arrimaha Dastuurka, isaga keligiisa inuu isku koobay shaqada Dib u eegista loogu sameynayo Dastuurka.

Sidoo kale Guddiga ayaa waxa ay sheegeen Wasiir Xoosh inuu hortaagan yahay geeddi-socodka Dastuurka, waxayna Baarlamaanka ka dalbadeen inuu ay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan Wasiirka.

Warqadan waxaa ku saxiixan Guddoomiyaha Guddigan Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), wuxuuna sheegay in Wasiirka sharci uu daro ku tilmaamay Miisaaniyadii ay u ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: