HomeUncategorized

Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Puntland oo ka hadlay qorshe sanadeedka 2012 ee wasaaradda

Garowe,Jan 15 -Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland Cabdulaahi Saciid Aw-Yuusuf oo u warmayay Radio Daljir ayaa sheeegay in wasaaraddu meel wanaagsan ka gaartay dhamaystirka howlaheeda assaasiga ah ee sanadkii lasoo dhaafay.

RW ku xigeenka Somalia oo la kulmay Taliyayaal Ciidan
DHEGEYSO-Webiga Shabeelle oo cunay laba ruux oo beeraleey ah.
DHAGAYSO:Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Toll-man

Garowe,Jan 15 -Agaasimaha guud ee wasaaradda arimaha gudaha dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Puntland Cabdulaahi Saciid Aw-Yuusuf oo u warmayay Radio Daljir ayaa sheeegay in wasaaraddu meel wanaagsan ka gaartay dhamaystirka howlaheeda assaasiga ah ee sanadkii lasoo dhaafay.

Agaasimaha ayaa waxaa uu sheegay in wasaaraddu guul ka gaartay dhamaystirka howlo muhiim ah,kuwaas oo ahayd in lasoo dhamaystiro sanadkii aan soo dhaafnay,waxaana uu sheegay arimaha wasaaraddu ay ku guulaysatay sanakii tagay inay ka mid yihiin.

Xalinta khilaafaadka beelaha dirirtu dhexmarto oo wasaarudu meel marisay ayna xalisay khilaafaad beeleed taagnaa guulna laga gaaray.

In meel wanaagsan wasaaraddu gaarsiisay maamul baahinta.

Gaaritaan dhulka fog ee Puntland iyo in mashaariic hormarineed laga sameeyo deegaanadaasi.

Dajinta siyaasadda barakacayaasha Puntland lana soo gaba gabeeyay.

Wasaarada ayaa ku howlan qorshayaal ay ugu tala gashay inay fulaan sanadkan,kuwaas oo uu sheegay agaasimuhu inay doonayaan dhamaystirkooda.

Xalinta khilaafaadka beelaha

Dhisida golayaasha deegaanka qaar kamid ah degmooyinka Puntland ee aan wali loo sameyn goleyaal deegaan.

Dhamaystirka xeer ay yeeshaan barakacayaasha Puntland

Wasaaradda ayaa waxaa ay wadaa qorshe ay nolol buuxda oo la siman tan dadka u dhashay deegaanada Puntland lamid ah ay ku helayaan dadka barakacayaasha ah ee kasoo cararay dagaaladii ugu dambeeyay ee koofurta dalka.

Bashiir Ahmed Abdi
Radio Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: