Ururka Midowga Afrika oo ka hadlay Caleemasaarki Railla Odinga

HomeWararka

Ururka Midowga Afrika oo ka hadlay Caleemasaarki Railla Odinga

Ururka Midowga Afrika ayaa dhaleeceeyay dhaarintii taageerayaasha xisbiga NASA ay u dhaariyeen xilka madaxtinimo ee Dalka Kenya hoggaamiyahooda Railla

Xulashada Daljir iyo Axmed Maxamed Nadiif (DHEGAYSO)
SHACABKA MAGAALADDA GAALKACYO OO KA FALCELIYEY SHIRKA AFISIYOONE (DAAWO)
“Waa ka garaabaynaa erayada raga qaarkii kasoo baxay shirkii Mucaaradka

Ururka Midowga Afrika ayaa dhaleeceeyay dhaarintii taageerayaasha xisbiga NASA ay u dhaariyeen xilka madaxtinimo ee Dalka Kenya hoggaamiyahooda Railla Odinga 30-kii January ee Sanadkan.

Guddoomiyaha golaha midowga Afrika Moussa Faki Mahamat; ayaa war uu soo dhigay baraha bulshada, waxa uu ku sheegay in uu si dhow ula socdo xaaladda Kenya, isla markaana aan la aqbali Karin tallaabadan.

Mr; Moussa Faki Mahamat ayaa intaa raaciyay in Midowga Afrika ay ku kalsoon yihiin Kormeerayaasha doorashooyinka ee uu hoggaaminayay madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Thabo Mbeki,natiijadaas oo ay ansixisay Maxkamadda Sare ee dalka Kenya.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dhammaan tallaabooyinkani ay kasoo hor jeedaan axdiga dimoqraadiga ee qaaradda Afrika iyo qaanuunka ugu degsan doorashooyin isla markaana aysan aqbali doonin wixii ka soo horjeeda dastuurka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0