HomeUncategorized

Mareykanka oo kacodsaday dowladda Jabuuuti inay ku biirto howlgalka AMISOM ee Somaliya.

washington,Dec,13 -Wasiirka gaashaandhiga ee dowladda Mareykanka Leon Panetta ayaa waxaa uu sheegay Mareykanku inuu ku howlan yahay xoojinta qorshayaasha lagula dagaalamaayo uruka Al-Qaacida ee wadamada Yemen,Somaliya iyo Waqooyiga Afrika.

Dowladda Somalia oo Dalbatay in la soo Qabto kooxihii Dilay Xildhibaan Gurxan
Guddi loo Magacaabay Deegaanadii ay Duufaantii Chapalla ku Dhufatay
Dhimasho iyo dhaawac ka dhalatay is-rasaasayn ka dhacday Cagaaran, & eedaymo la is-weydaarsaday. [Dhegaysi …]

Washington,Dec,13 -Wasiirka gaashaandhiga ee dowladda Mareykanka Leon Panetta ayaa waxaa uu sheegay Mareykanku inuu ku howlan yahay xoojinta qorshayaasha lagula dagaalamaayo uruka Al-Qaacida ee wadamada Yemen,Somaliya iyo Waqooyiga Afrika.

Wasiirka ayaa sheegay dowladda Mareykanka howlgaladan inay ka hagi doonto saldhigyada ay ciidankeedu ku leeyihiin dalka Jabuuti oo uu sheegay inay tahay goob muhiim u ah howlgalkan in laga hago.

Sarkaalkan u hadlay dowladda Mareykanka ayaa dhinaca kale ku dhiira galiyay madaxwaynaha dalka Jabuuti in dowladiisa ay ku biirto howlgalka AMISOM ee dowladaha Uganda,Burundi iyo dalal katirsan ururka Midowga Afrika ay ka wadaan Soomaliya.

Dowladda Mareykanka ayaa saldhig ciidan ku leh dalka Jabuuti kaasi oo lagu sheego tirada ciidan ee ka howlgala saldhigaasi inay gaarayaan sadex kun oo askari,waxaana ciidankaasi ay yihiin kuwa dagaal kula jira kooxaha Mareykanku uu aaminsanyahay inay xiriir la leeyihiin ururka Al-Qaacida.

Mareykanka ayaa sheegay inuu ka walaacsanyahay khatar kaga timaada kooxaha Al-Qaacida ee saldhiga ku leh dalka Yemen iyo kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya oo horay uu sheegtay inay xiriir la leedahay ururka Al-Qaacida

Bashir Ahmed Abdi
Radio Daljir Bossaso.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: