Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyey Geeridii Fannaanada weyn ee Khadija Abdullahi Dalees

HomeWararka

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyeeyey Geeridii Fannaanada weyn ee Khadija Abdullahi Dalees

asiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa tacsi u direy qoyskii, bahda fannaaniinta iyo shacabka

Golaha Wasiiradda Koonfur Galbeed oo shir ku yeeshay Baydhabo
QARDHO: Bandhiga Bugaagta Signal oo Qardho ka qabsoomtay
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Caabudwaaq (dhegayso)

asiirka Warfaafinta, Dhaqanka & Dalxiiska Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow) ayaa tacsi u direy qoyskii, bahda fannaaniinta iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii Fannaanada weyn ee caanka ah Marwo Khadiia Abdullahi Omar (Dalees) oo geeriyootay.

Wasiir Eng. Yarisow ayaa yiri “Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun, geeridu waa xaq, Soomaaliya waxaa ka tagey fannaanad caan ah oo sumcad iyo karaamo ku dhex laheyd bulshada Soomaaliyeed. Geerida Khadija Abdullahi Dalees waxey aheyd mid naxdin leh, waxaana EEBBE uga baryayaa inuu jannadii fardowsa ka waraabiyo, annagana samir iyo IIMAAN EEBBE naga wada siiyo. AAMIIN.”

Khadiija Abdullahi Dalees ayaa aheyd gabadhii ugu horreysey oo 1952dii hees ka bilowda Radio Mogadishu, waqtigaas oo uusan jirin aalada duubista waxey sameyn jirtey inay timaado idaacada ayey si toos ah (live) u qaadi jirtey heesaha.

Khadiija Dalees waxey ka dhex muuqatay fannaaniintii hobollada Waaberi iyadoo kaalin weyn ka soo qaadatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliga, iyadoo ku heesi jirtey Maay iyo Maxaa tiri.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: