Maxkamadaynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo Dib u dhacday & Xildhibaan Fiqi oo Daljir uga Waramay (dhegayso)

HomeWararka

Maxkamadaynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo Dib u dhacday & Xildhibaan Fiqi oo Daljir uga Waramay (dhegayso)

Waxaa maanta la wadda Sugayaay Maxkamadaynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ,kaas oo howlgal ay samayeen Ciidamadda DFS lagu soo qabtay,waxaan

WARBIXIN: Bosaaso oo laga hirgaliyeey Bangi Caalami ah
MAANHADAL: Puntland oo hanaanka qabiilka kusii socota halkee gaaraysaa?
Wacaal daray ah: Madaxweyne Farmaajo, Afwerke iyo RW Abiy Axmed oo Casmara ku kulmaya

Waxaa maanta la wadda Sugayaay Maxkamadaynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame ,kaas oo howlgal ay samayeen Ciidamadda DFS lagu soo qabtay,waxaana lagu eedayaay inuu siyaasigan wadday Arrimo ka hor imaanaya Dowladnimadda.

Arrinta dib u dhaca Maxkamadaynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Ayaa lagu sheegay Cadeymaha rasmiga ah ee laga sugayay Xeer ilaalinta dacwada ku soo oogtay Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur Warsame oo an wali laga hayn,taas oo dib dhigtay Maxkamadaynta Siyaasigan.

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa aqbashay arintaas dib u dhaca ah, waxaana ugu danbeyn la isugu iman doonaa Maxkamada aroorta hore ee Khamiista,maalintas oo bilaaban doonto dacwadda.

Hadaba Caawa Radio Daljir Waxay Xirir la samaysay Xildhibaan Axmed Fiqi oo kamid ah Xildhibaanada Barlamaanka Somaaliya,isago ka hadlay dib u dhaca kuyimid Maxkamadaynta Siyaasigan.

Dhinaca Kale Axmed Fiqi ayaa dowladda ku eedeyaay inay Caburin xoogan ku hayso Siyaasiyinta Somaliyeed ee Arragtidooda ku cabiraya Xaalka dalka iyo Arrimaha kataagan.

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Waxaa Waraystay Wariye Xasan Heykal Boosaaso ku sugan

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: