HomeUncategorized

?Ma ahan macquul, waana xad-dhaaf sida ay warbaahintu u xayaysiiso caanaha laga keeno dalka dibadiisa, waa in la xayaysiiyaa caanaha naaska hooyada? Dr. Cali C. Warsame.

Caption ...

Caawa iyo Daljir_Isniin, Nov 5-2012, Maxamed Cabdilaahi Cali (Kooshin)_Daljir Garoowe.
Dawlada Puntland iyo dawlada federaalka ah ee Somaliya oo heshiis ku kala sixiixday Nairobi.
Qarax sababay dhaawac oo ka dhacay huteel ku yeel xaafada Wadajir, Galkacyo.

Garowe, Sept 15 – Wasiiirka caafimaadka dawladda Puntland Dr Cali C/llaahi Warsame ayaa wax laga xumaado ku tilmaamey in warbaahintu ay buunbuuniso caanaha laga keeno dalka dibadiisa, isla markaana meeshaba laga saaro muhiimada dhallaanka ay u leeyihiin caanaha naaska hooyada.

Wasiirka ayaa maantey hadalkaan ka sheegey munaasabad lagu xusayay maal-maha naasnuujinta, taasoo lagu qabtey xarunta wasaaradda caafimaadka Puntland ee Garowe.

Dr Cali C/llaahi Warsame ayaa dhinaca kale sheegey, in caruurtu tahay mustaqbalkii dalka, loona baahan-yahay in masuuliyad gaar ah la iska saaro ilaalinta caafimaadka caruurta.

Dhinaca kale, Dr Shiikh Cali oo ah u qaabilsanaha Puntland hay?ada caafimaadka aduunka ee WHO ayaa sheegey, in 6-da bilood ee ugu horeysa nolasha ilmaha loo baahan-yahay in la siiyo naaska hooyada, waxaana Dr Cali uu hadalkiisa raaciyay in nafaqo iyo waxtarba dhallaanku uu ka halayo naaska hooyada, loona baahan-yahay taas iney waalidiintu fahmaan.

Ololaha maal-maha naas-nuujinta ayaa si toos ah uga socdey muddooyinkii ugu danbeeyay deegaannada Puntland. Waxaana arrintaasi ka wadashaqeynayay wasaaradda caafimaadka Puntland, Hay?ada UNICEF iyo hay?ada caafimaadka aduunka ee WHO.

Max?ed C/laahi Cali ?Kooshin?
Daljir, Garowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: