HomeUncategorized

Xasan Cabdalle Xasan oo loo doortay duqa Bossaso, ahna guddoomiyaha golaha deegaanka.

Bossaso, Aug, 16 - Xubnaha golaha deegaanka ee degmada Bossaso ayaa maanta duqa degmada Bossaso ahna guddoomiyaha golaha deegaanka u doortay Xasan Cabdalle xasan, ka dib markii munaasabada doorashada lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Bossaso.

Dhagayso Barnaamijka Subaxnimo ee Saakay iyo Dunida 20 – March – 2016 Wariye Cabdinaasir Maxamed Cali
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Kooshin.
Culimada shirku uga socda Muqdisho oo ku baaqay in la fidiyo banaan-baxyo ka dhan ah shabaab

Bossaso, Aug, 16 – Xubnaha golaha deegaanka ee degmada Bossaso ayaa maanta duqa degmada Bossaso ahna guddoomiyaha golaha deegaanka u doortay Xasan Cabdalle xasan, ka dib markii munaasabada doorashada lagu qabtay xarunta madaxtooyada ee magaalada Bossaso.

Lix iyo labaatan ka mid 29-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha deegaanka ee degmada Bossaso oo maalin ka hor la dhaariyey ayaa u codeeyey duqa cusub, waxaana inta aan la qaadin codka oo gacan taag ahaa tanaasuley halkii musharrax ee kula tartamayey goobta doorashada.

Duqa cusub oo hadlay markii la doortay ka bacdi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay xilka loo doortay iyo inuu si firfircooni ku jirto xilkaasi u gudan doono, uuna wax ka qaban doono bilicda magaalada iyo waxyaabaha kale ee lama huraanka ah.

Xafladda waxaa goob jog ka ahaa wasiiro iyo xubno kale oo dawladda ka tirsan sida wasiirka arrimaha gudaha, kan amniga, iyo maaliyadda iyo marti sharaf kale.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: