Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qaybgalay shirka Afrika ee Masar

HomeWararka

Madaxwaynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo ka qaybgalay shirka Afrika ee Masar

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalay shirka ganacsiga iyo maalgashiga ee qaaradda Afrika ee la

Wasiir Caydiid Dirir: “Dadka reer SSC ee u taagan ilaalinta midnimada Soomaaliyeed, DFS waxaa laga rabay in ay is garabtaagto”
Maxkamadaynta Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur oo Dib u dhacday & Xildhibaan Fiqi oo Daljir uga Waramay (dhegayso)
Maxaa kasoo baxay kulankii Rooble & Beyle? (daawo)

Madaxwaynaha dowladda faderaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa ka qaybgalay shirka ganacsiga iyo maalgashiga ee qaaradda Afrika ee lagu soo gabagabeeyey magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar.

Shirkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay madaxwaynaha Masar Cabdifitaax Al-siisi, waxaana ka qaybgalay wasiiro iyo madaxwaynayaal kasocda qaaradda Afrika.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar oo loo wakiishay khudbaddii madaxwaynaha ee shirka ayaa ka sheekeyeey fursadaha iyo khayraadka ay leedahay Afrika.

Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirka ayaa sheegay Soomaaliya inay leedahay khayraad badan, ayna ku taalo marin istiraatiiji ah oo isku xira Qaaradaha Afrika, Asia iyo Yurub, waxaana uu sheegay sidoo kale kalluumaysiga, beeraha, macaadiinta inay hodan ku tahay Soomaaliya oo ayna soo dhowweyn doonto cid walba oo maalgashi ku samaysanaysa shaqo abuurna u samaysa dhalinyarada.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: