Keating oo Ku Baaqay Dhaqan Galinta Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna

HomeWararka

Keating oo Ku Baaqay Dhaqan Galinta Heshiiskii Galmudug iyo Ahlusunna

Michael Keating Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa guul ku tilmaamay saxiixa heshiiska wadaagga awood qeybsiga ah ee T

Warka Fiidnimo iyo Jaamac C/raxmaan Faandhe ,Garoowe (dhegayso)
Kenya oo mamnuucday duulimaadyada dalka Soomaaliya
Madaxweynaha Puntland oo ka qayb galay ciyaar kubada cagta ah oo lagu xusayeey Munaasabada 1da August

Michael Keating Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa guul ku tilmaamay saxiixa heshiiska wadaagga awood qeybsiga ah ee Talaadadii dhexmaray Galmudug iyo Ahlu Sunna Wal-Jamaaca.

Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna oo Madaxtooyada Soomaaliya heshiis ku gaaray maalin ka hor ayaa waxaa goob ka ahaa heshiiskaasi Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxda Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno kale.

Mr. Keating wuxuu sidoo kale amaanay doorka ay ka ciyaareen Urur-goboleedka Horumarinta IGAD ee u fududeeyay kulamada Nairobi iyo Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlusuna, kahor inta aysan heshiiska ku gaarin Muqdisho.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: