HomeUncategorized

R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiweli Maxamed Gaas oo beesha caalamka ka dalbaday gargaar deg deg ah, lana wareegay deeq ka timid Umaaraadka Carabta.

Caption ...

DHAGAYSO:Warkii Duhurnimo Jimco_11
USA iyo Ethopia oo Is-kaashi buuxa ka samayey ka shaqeynta amaanka dalalka Qaarada Afrika
Baahin: Isniin, May 09, Weriye Maxamed C. Kooshin ~ Daljir ~ Garowe. Afartameeyo mudane oo ka tirsan baarlamaanka federaalka ah oo tababar kaga qayb gali lahaa Nairobi oo laga celiyey madaarka Adam Cade; Xil. Xasan Xareed ayaan waraysanay; Xil. Cali Muumin ayaan isna waraysanay … Jibuuti oo lagu eedeeyey in ay faragelin siyaasadeed ka wado gobollada Puntland; Nabadoon Xasan Faarax ayaan waraysanay … Puntland oo sheegtay in aysan dhallinyaradu fursado shaqo ka helin dhanka maamulka; Wasiirka shaqada & shaqaalaha ayaan waraysanay … Khilaaf ugub oo la sheegay in uu ka dhex curtay mudayaasha baarlamaanka federaalka ah; Xil. Daahir Ciiro ayaan waraysanay …

Muqdisho, June 29 – R/wasaaraha dawladda federaal KMG ah ee Soomaaliya ayaa beesha caalamka ka dalbaday in si dhakhsiyo ah gargaar loola soo gaaro dadka ku barakacay dagaallada Soomaaliya iyo abaaraha baahsan ee ka jira meelo badan oo dalka ah.

R/wasaaraha Soomaaliya Prof. Cabdiwali Maxamed Gaas, ayaa sheegay dad fara badani in ay la dabaalaysan yihiin dhibaatooyinka ka dhashay dagaallada joogsan waayey ee Soomaaliya iyo abaaraha daba-dheeraaday ee wali ka jira gobollo badan oo dalka ah, kuwaasi oo sababay dad badani in ay magaalooyinka ku soo jabaan kaddib markii xoolihii ka dhammaadeen.

R/wasaaruhu, waxaa adduunka ka codsay in gacan weyn loo fidiyo dadka Soomaaliyeed ee aadka u taagta daran, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku kala firirsan yihiin dhammaanba gobollada dalka ayna u baahan yihiin gargaaro bini’aadanimo, sidaas darteedna beesha caalamka looga fadhiyo taakulaynta iyo taaban-taabinta ku aaddan dadka dhibaataysan.

Prof. Cabdiweli Maxamed Gaas, ayaa hadalkaan ka jeediyey xilli uu ku sugnaa dekedda magaalada Muqdisho halkaasi oo uu kula wareegay deeq gargaar ah oo dawladda imaaradka carabtu ugu deeqday ummadda Soomaaliyeed ee muddada dheer la daalaa-dhacaysay dhibaatada amni xumo, iskuguna jirtay raashin, dhar iyo gaadiid.

R/wasaaruhu waxaa uu dhinaca kale maalqabeennada Soomaalidu ugu baaqay in ay taakuleeyeen dadkooda taagta daran lana garab is-taagan mucaawino dhanwalba ah si looga samata-bixiyo dhibaatada ku habsaday.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir. http://daljir.com/

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: