HomeUncategorized

Dad barakacayaal ah oo deggan kaamka Shabeelle, Garoowe oo ka cabanayo duruufo nolol xumo iyo xannuuno la soo gudboonaaday.

Caption ...

War-saxaafadeed: Daljir oo soo dhawaynaysa heshiis ay la gaadhay xafiiska arrimaha warfaafinta ee madaxtooyada Puntland.
Yuusuf Indha-cadde oo la sii daayey, laguna eedeeyey in uu qarsoodi ku soo galay Ugandha.
Baahin: Isniin, 15 July 2013, Caawa Iyo Daljir Weriye Macamed C Cali (Kooshin) ~ Daljir ~ Garowe

Garowe, May 22 – Dad barakacayaal deggan kaam ku yaalla duleedka magaalada Garoowe oo lagu magacaabo Shabeelle ayaa ka cabanayo dhibaatooyin nolol xumo iyo xanuun soo food saaray toddobaaddadii ugu danbeeyey.

Kaamkaan oo ay booqdeen wariyaasha idaacadda Daljir ayey kula soo kulmeen dadka deggan kalena sheekaysteen xaadahooda kala duwan, iyagoo sheegtay in ay soo wajaheen daruufo ad-adag oo xagga caafimaadka u badan, xilligaan oo lagu jiro wakhti roobaadkii gu-ga.

Daruufaha dadkaan haysta waxaa ay sii laban-laammeen kaddib markii roobab xooggan ay ka da’ay magaalada Garoowe iyo deegaannada ku hareeraysan, kuwaasi oo cunjuqiyey cooshadihii ay degganaayeen qaar kalena cagta mariyey.

Kaamka Shabeelle oo ay deggan yihiin barakacayaasha cabashada muujinaya waxaa uu ku yaalla duleed waqooyi ee magaalada Garoowe, waxaana uu dhax-yaallaa togga xilli roobaadkasta ay maraan mawjado biyo ah oo ka soo butaaca qaar ka mid ah dooxooyinka gobolka Nugaal.

Cali Cabdicasiis Ducaale’
Daljir Garoowe.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: