Dowladda Qadar oo Isbahayga Sucuudiga ku edaysay Qarixii Zoobe

HomeWararka

Dowladda Qadar oo Isbahayga Sucuudiga ku edaysay Qarixii Zoobe

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan waxa uu ugu yeerray dowladdah

Dowlada oo dhagxaan ku jartay isgoyska Dabka ee Muqdisho
Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Xuseen Madar , Daljir Bossaso (dhegayso)

Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka aargoosanayaan waxa uu ugu yeerray dowladdaha xiriirka u jaray Qatar.

Wasiirka oo wareysi dhinacyo badan siiyay Wargeyska Al-Sharq ee laga leeyahay dalka Qatar ayuu ku sheegay Soomaaliya in ay ka aargoosanayaan dowladaha Qatar go’doomiyay sababo ku aaddan in ay ka biyo diidday inay u dheg raariciso go’aankooda qaadacaadda ah.

Sheekh Mohammed bin Abdulrahman Al-Thani ayaa sheegay in dowladahaasi ay wada laalleen kaalmooyinkii aaddannimo ee ay ugu yabooheen Soomaaliya, isagoo xusay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida la wada laaluushay, waxaase uu qiray in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay weli ku adkaysanayso mowqifkeeda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: