Dowladda Puntland oo Si Rasmi ah Dekadda Boosaaso ugu Wareejisay Shirkadda  P & O  Ports (Sawiro)

HomeWararka

Dowladda Puntland oo Si Rasmi ah Dekadda Boosaaso ugu Wareejisay Shirkadda P & O Ports (Sawiro)

Kadib Munaasabad kadhacday Dekadda Boosaaso ayaa Dawladda Puntland Waxay maanta si rasmi ah u wareejisay Maamulka Dekadda Boosaaso,waxaana lagu wareej

Suldaan Cabdigaheyr M Jaamac, Awdal: “Dagaalka Sool beesha Awdal kuma jirto waana mid u gaar ah beesha reer Shiikh Isxaaq” (dhegayso | daawo)
Warka Fiidnimo iyo Maxamed Ibaraahim Geelle, Daljir Garowe (dhegayso)
Afhayeenka Cusub ee Maamulka Gobalka Banaadir oo la magacaabay

Kadib Munaasabad kadhacday Dekadda Boosaaso ayaa Dawladda Puntland Waxay maanta si rasmi ah u wareejisay Maamulka Dekadda Boosaaso,waxaana lagu wareejiyeey Shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta ee lagu magacaabo P & O oo qeybka ah shirkada weyn ee DP WORLD.

Xafladda kooban oo Guddaha Dekadda kadhacday Waxaa goobjoog ahaa Masuuliyinta Gobalka Bari kan degmadda iyo Odayaasha Gobalka Bari iyo qaybaha kala duwan ee Ganacsatada kuwaas oo goobjoog ka ahaa Heshiiska labadda dhinac ,iyado madaxda Shirkadda la wareegtay Maamulka Dekadda Boosaaso goobta ay ku sugnayeen.

Masuuliyiinta Wasaaradda Dekedaha iyo Amniga Baddaha ayaa sheegay in waxa la wareejiyey ay tahay dhismaha ama Jambiyadda Dekeda ee aysan aheyn howlaha maamul ee dekedda.

dhawaan ayeey ahayd markii Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu saxiixay heshiiska dhismaha iyo dibu habeynta dekeda magaalada Boosaaso, kaas oo ku kacaya aduun gaaraya 336Malyan oo Dollar, waxaana la dhisayaa Deked cusub oo dhererkeedu yaahy 450M.

Hoos kadaawo Sawiradda Heshiiska

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: