HomeUncategorized

Warbixin ku saabsan Gunter Bischoss, oo ah nin u dhashay Jarmalka oo lagu xiray Hargeysa, laguna eedeeyey falal dambiyeedyo la xiriira faraxumayn, falxumo iyo samaynta aflaam anshax xumo ah.

Hargeysa, Dec 02 - Waxaa magaalada Hargeysa ka socda dacwada Gunter Bischoss oo u dhashay Jarmalka, laguna soo eedeeyey dambiyo isugu jira samaynta a

Oomaar oo ku celiyey in ciidamada AMISOM aanay ka baxayn Somaliya inta laga helo ciidamo Somali ah oo buuxiya kaalintooda.
Golaha Wasiiradda oo kulan amaanka iyo digniintii Britan looga hadlayo ku yeeshay Muqdisho
?Wuxuu ahaa miinada meesha fog laga hago qarixii aan ka badbaaday, waxay doonayeen inay I dilaan ma aqaan sababta? guddoomiye ku xigeenka G. Sool.

Hargeysa, Dec 02 – Waxaa magaalada Hargeysa ka socda dacwada Gunter Bischoss oo u dhashay Jarmalka, laguna soo eedeeyey dambiyo isugu jira samaynta aflaam anshax xuma ah, faraxumayn dumar da’adoodu yar tahay, iyo falal dambiyeedyo kale. Dacwada Bischoss oo weli socota, muran badanna ka taagan yahay, ayaa dib loo dhigay, baaritaankeeduna uu weli socdaa.

Waxaa jira dambiyo kale oo loo haysto Gunter Bischoss oo ay ka mid yihiin faraxumayn hablo yar yar oo qaarkood ay iskuulaadka dhigtaan, halka qaar kalena la sheegay in ay jaamacadaha dhigtaan.

Dumar xaasas ah ayaa iyana la sheegay in aflaamta la qabtay ay ku dhex muuqdaan.

Bischoss ayaa isagu ku dooday in dumarka uu sawiray ama aflaamta ka duubay ay ahaayeen dad qaan gaar ah, raali ay ka ahaayeen is la sawiro ama filim laga duubo, sheegayna in aanu wax dambi ah gelin.

Bischoss ayaa la sheegay in ay u dhaxdo haweeenay Somali ah, uu muslimay, balse hadda ka hor laga tarxiilay Somaliland.

Lama oga sababta wadanka looga tarxiilay hadda ka hor, walow uu jiro tuhun ku saabsan falal dambiyeedyada hadda lagu soo eedeeyey.

Joogitaanka Bischoss ee Hargeysa ayaa mugdi badani hareeyey, in badanna la is weydiinayaa ujeedada dhabka ah ee uu u joogo Hargeya. Dadweynaha ayaa salal ka qaaday dhacdadan, kuna tilmaamay mid aan la qaadan karin oo u baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

Waa kiis noociisa ah kii ugu horeeyey ee Somaliya maxkamad la keeno, waxaanse shaki ku jirin in ay jiraan dhacdooyin badan oo la mid ah, balse aan laga war hayn.

Somaliya waxaa jooga ajaanib fara badan oo hawlo samafal ah ku hawlan, una shaqeeya hay’ado gargaar oo u adeega bulshada danyarta ah.

Waxaa la aaminsan yihiin in ay Somaliya joogaan dad ajaanib ah oo ujeedooyinka ay u joogaan aanay ahayn samafal keliya, balse ay ku ladhan yihiin falal dambiyeedyo, faraxumayn, iyo anshax xumo ay kula kacaan dhallaanka iyo dumarka u nugul falalka noocan ah.

Halkan ka dhegayso waraysi ku saabsan kiiska Gunter Bischoss …

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: