Alshabaab oo Soo Bandhigay Nin ay shegeen in Dowladda u kasoo Goostay

HomeWararka

Alshabaab oo Soo Bandhigay Nin ay shegeen in Dowladda u kasoo Goostay

Al-shabaab ayaa sheegtay in uu isu dhiibay Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Ceelbuur Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynuuf iyo Qoyskiisa. A

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
India: Khasaare ka dhashay dabaq dumay
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Al-shabaab ayaa sheegtay in uu isu dhiibay Taliyihii Ciidamada Dowladda ee Ceelbuur Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynuuf iyo Qoyskiisa.

Al-shabaab ayaa sheegtay in Cabdullahi uu isaga iyo Qoyskiisuba ku noolaayeen Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan kaddibna iska soo dhiibay Dhuusamareeb.

Waxaa ay sheegeen in ay Baladweyne tageen markii Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ay ka baxeen Magaalada Ceelbuur.

Labo Xidigle Cabdullaahi Maxamuud Cali Xeynuuf oo ku magac dheer Jareer ayey sheegeen in isaga iyo Xaaskiisa oo lagu magacaabo Dahabo Xirsi Maxamuud ay Maxkamad ku taalla Galguduud oo ay Al-shabaab leedahay kaga dhawaaqeen in at ka towbad keeneen ka mid noqoshada Dowladda Soomaaliya.

4tii April 2017 ayey Ciidamada Itoobiya ka baxeen Magaalada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud,waxaana xilligaas la wareegtay Xarakada Al-shabaab oo ilaa hadda maamusha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: