Cali Khaliif Gallayd,”Muqdisho iyo Garoowe Lagama Ogola Inaan Ku Biirno Soomaaliland”

HomeWararka

Cali Khaliif Gallayd,”Muqdisho iyo Garoowe Lagama Ogola Inaan Ku Biirno Soomaaliland”

Hogaamiyaha maamulka Khaatumo garabkiisa heshiiska lagalay maamulka Soomaaliland Cali Khaliif Gallaydh oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaalig

Saaka & Dunida iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Dowladda Hoose ee Garoowe,”Qofkii Lacagta Kala Soocaa Waa Alshabaab” (dhegayso)
Xulashada Daljir & Axmed Nadiif, Daljir Buhoodle (dhegayso)

Hogaamiyaha maamulka Khaatumo garabkiisa heshiiska lagalay maamulka Soomaaliland Cali Khaliif Gallaydh oo waraysi gaar ah siiyey laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa eedayn u jeediyey dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo Puntland.

Cali Khaliif Gallaydh ayaa sheegay in Muqdisho iyo Garoowe laga soo abaabuley dedaalo lagu doonayo in lagu burburiyey heshiiskii dhexmaray maamulka uu hogaanka u yahay iyo Soomaaliland oo ku dhawaaqday inay Soomaaliya inteeda kale ka go’day.

Wuxuu sheegay in rag horay maamulkiisa uga tirsanaa oo ku sugan Puntland iyo Muqdisho ay doonayaan in Khaatumo aysan ku biirin Soomaaliland, isagoona difaacey go’aanka uu kula heshiiyey Soomaaliland.

Maamulka Khaatumo ayaa heshiis la galay maamulka Soomaaliland, waxaana go’aankaasi siweyn uga horyimid shacabka kunool deegaamada Khaatumo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: