Xilalkii Maraykanka oo Laga Cararayo iyo Sean Spicer oo Iscasiley

HomeWararka

Xilalkii Maraykanka oo Laga Cararayo iyo Sean Spicer oo Iscasiley

Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arimiyo Maraykanka, Sean Spicer, ayaa iscasilay, ka dib markii sida la sheegay uu ka biya diiday isku shaandheyn lagu s

Shir looga hadlaayay xoojinta Nabadgalyada degmada Tulli-Guuleed oo lagu qabtay Qabalaha Uusweyn | (daawo)
CAAWA & DALJIR CABDIXAKIIN XUSEEN XASAN DALJIR GAROWE 16-March-2022
DFS oo Mareykanka & QM kala hadashay gurmadka dadka ay saameysay Abaarta

Afhayeenka Aqalka Cad ee looga arimiyo Maraykanka, Sean Spicer, ayaa iscasilay, ka dib markii sida la sheegay uu ka biya diiday isku shaandheyn lagu sameeyay kooxda warfaafinta ee uu madaxa u ahaa.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Spicer uu shaqada ka tegay ka dib markii uu madaxweyne Donald Trump nin cusub u magacaabay agaasimaha warfaafinta ee Aqalka Cad.

Anthony Scaramucci oo ah ganacsade laga yaqaano Wall Street ayaa loo magacaabay agaasimaha cusub, shaqadaas oo uu si kumeelgaar ah u hayay Spicer.

Spicer ayaa todobaadyadii dambe qolka wararka ee Aqalka Cad ka mamnuucay kaamarooyinka telefishinnada.

Isku shaandheynta ayaa kusoo beegmaysa xilli mas’uuliyiin ka tirsan Aqalka Cad ay wajahayaan baaritaan ku aaddan faragelinta la sheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii Maraykanka ka dhacday sanadkii hore.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in Spicer oo 45 jir ah uu rumaysan yahay in magacaabidda Scaramucc ay tahay “khalad weyn” oo uu sameeyay madaxweyne Trump.

XIGASHO-BBCSOMALI

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: