HomeUncategorized

Waftiga R/wasaare Sharmaarke iyo madaxda dawladda Puntland oo saaka lagu wado in ay wadahadalo u bilaabmaan. [Akhris …]

Galkacyo, Aug 18 - Waftigii ballaarnaa ee R/wasaare Cumar C/rashiid Sharmaarke, ayaa la filayaa saakay in ay si rasmi ah u bilaabaan kulamo ay la yee

Baahin: Khamiis 10 Oct -2013, Caawa Iyo Daljir, Weriye Khadar Cawl Ismaaciil ~ Daljir ~ Buuhoodle
Baahin: Axad, May 01, Weriye C/fitaax C. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Warbixin ay QM ka soo saartay xaalada Somaliya; Prof. Maxamed Xareed Cali ayaan ka waraysanay … Taliyihii ciidanka AMISOM ee Somaliya ee la badelay oo la sagootiyey, taliyaha cusub oo la soo dhaweeyey; M/weyne Shariif oo ka hadlay … Shir lagu gorfeeyey isk-horimaadkii ka dhacay xaafada Garsoor oo ka dhacay madaxtooyada Galkayco … Maalinta shaqada & shaqaalaha aduunka oo laga xusayo Puntland; Indha-gurad, wasiirka shaqada & shaqaalaha ayaa ka waraysanay …
DHAGAYSO: Barnaamijkii Saaka iyo Dunida _Talaado 08

Galkacyo, Aug 18 – Waftigii ballaarnaa ee R/wasaare Cumar C/rashiid Sharmaarke, ayaa la filayaa saakay in ay si rasmi ah u bilaabaan kulamo ay la yeelanayaan madaxda dawladda Puntland.

Kulanka ugu horreeya oo lagu wado in uu furmo saacadaha soo socda ee saakay, ayaa noqon doona mid ballaaran oo ay ka soo qayb-gali doonaa madaxda ugu sarraysa dawladda Puntland, golayaasha xukuumadda iyo baarlamaanka, iyo waftiga oo hoggaaminayo R/wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke.

Kulan ayaa la iskula soo qaadayaa arrimo badan oo ku taxaluqa xiriir Puntlaand iyo dawladda Soomaaliya, waxaana dhidibada loogu taaxayaa sii xoojinta iskaashi dhinayo badan leh oo ay wadayeelanayaan labada dawladood.

Si ay tilmaamayaan warar laga helayo saraakiisha ku dhadhaw m/weynaha Puntland, waxaa ka mid ah waxyaabaha diiradda lagu saarayo shirka maanta muujinta doorka Puntland ay ku leedahay jiritaanka dawladda Soomaaliya iyo dadaalkii dheeree ee ay muddada ugu soo jirta sidii loo heli lahaa dawlad Soomaaliyeed.

Wararka ku saabsan shirkaasi iyo kulamada dhaxmari doona waftiga R/wasaare Sharmaarke iyo dawladda Puntland waxaan idiin soo gudbin doonaa saacadaha soo socda.

C/fitaax Cumar Geeddi?
Idaacadda Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: