HomeUncategorized

Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta cod aqlabiyad ah ku diiday heshiiska badaha ee Soomaaliya iyo Kiiniya. [Akhris …]

Muqdisho, Aug 01 - Fadhi ay maanta golaha wakiilada ee Soomaaliya ka yeesheen heshiiska dhinaca badaha ee dhawaan xukuumadda iyo baarlamankaba ka dhe

DHAGEYSO: Sanduuqa Madow ee Keydiya Xogaha Diyaaradaha dhaca oo laga helay Xeebaha G Mudug
Wasaaradda Arimaha Dibadda Somalia oo Gawaari loogu Deeqay
Maxamed C Carte oo soo dhoweeyey gudoonka cusub ee xildhibaanada aqalka sare.

Muqdisho, Aug 01 – Fadhi ay maanta golaha wakiilada ee Soomaaliya ka yeesheen heshiiska dhinaca badaha ee dhawaan xukuumadda iyo baarlamankaba ka dhex aloosay muranka una dhexeeyey dowladaha Soomaaliya iyo Kiiniya.

Kulanka wakiilada Soomaaliya ee maanta oo ka dhacay magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka soo qayb galay 347 mudane, kuwaas oo ay hortaallay kala doorashad saddex qodob uu madasha soo dhigay guddoonshaha golahaas Sh Aden Maxamed Nuur kuwaas oo kala ahaa:

1- In ay mudanayaashu heshiiskaas diidaan,
2- In guddi loo saaro,
3- In dib loo dhigo heshiiskaas.

Cod gacan ah oo loo qaaday saddexdaasi qodob ee ay dooddu ka taagnayd ayaa waxaa isku raacay in la diido heshiis badeedka Soomaaliya iyo Kiiniya 334 mudane, 4 mudane ayaa soo jeediyay in dib loo dhigo, halka sagaal xildhibaanna ay ay dalbadeen in dib loo dhigo.

Afhayeenka baarlamaaka dowladda Sh Aaden Maxamed Nuur ayaana si rasmi ah ugu dhawaaqay in la laalay heshiis badeedkii muranka wayn uu ka dhashay ee u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kiiniya.

Adam Shardi Axmed
Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: