Boqolaal Ruux oo Daacuun Ugu Geeriyoodey Gudaha Soomaaliya

HomeWararka

Boqolaal Ruux oo Daacuun Ugu Geeriyoodey Gudaha Soomaaliya

Dad  kor u dhaafaya 700 oo ruux ayaa Kaloore ugu dhimatay dalka Soomaaliya, kaas oo ah midkii ugu xumaa muddo shan sano ah sida ay sheegtay hay’adda a

Taariikh nololeedka Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya
Xildhibaan Cabdi Qawdhan: “Dastuurka ma dal baa loo sameynayaa mise reer?
Warka Caweysin iyo Faadumo Deggan Daahir, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Dad  kor u dhaafaya 700 oo ruux ayaa Kaloore ugu dhimatay dalka Soomaaliya, kaas oo ah midkii ugu xumaa muddo shan sano ah sida ay sheegtay hay’adda arrimaha qaxootiga ee dalka Norway ee NRC.

Hay’addu waxay sheegtay in Suudaanta Koonfureedna laga soo sheegay tiro aan caadi ahayn oo daacuun uu ku dhacay, dadka daacuunka ugu dhimanaya Soomaaliya gaar ahaan carruurta ayaa ka badan kuwa colaadaha ugu dhimanaya.

Suudaanta Koonfureed ayaa sidoo kale diiwan galisay 160 ruux oo u dhimatay daacuun, taas oo aan caadiyan dhicin xilliyada aan roobabku di’in, sanadkii hore markii uu xilligan oo kale marayay hal ruux oo daacuun u dhintay lama soo sheegin.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: