Madaxweyne Gaas oo Jeediyey Khudbad Taariikhi ah (dhegayso)

HomeWararka

Madaxweyne Gaas oo Jeediyey Khudbad Taariikhi ah (dhegayso)

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 01-July-2017 ugu hambalyeeyey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan ree

MADAXWEYNE FARMAAJO OO XARIGGA KA JARAY MATXAFKA QARANKA
LUUQ GEDO: LAAMAHA AMNIGA OO MABNUUCAY AGABKA HUBKA U EG EE CARRUURTU KU CIYAARTO MAALMAHA CIIDKA (daawo)
Taliyaha Qeybta Gobalka Bari: ” Qofkii gurigiisa ka kireeya qof argagixisa ah gurigisa Dowladda la wareegaysa

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 01-July-2017 ugu hambalyeeyey guud ahaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan reer Puntland 57-sano guuradii ka soo wareegtey xilligii ay gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya xorriyadooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga 01-Luulyo-1960-kii, isla markaana ay midoobeen gobollada woqooyi iyo gobollada koonfureed ee dalku.

Madaxweynaha ayaa ugu horayn salaan ka qaatay ciidamada Madaxtooyada Puntland iyo sidoo kale ciidanka baanboydda, waxaana uu Madaxweynuhu kahadlay muhiimadda ay leedahay maalintani, sidoo kale waxa uu Madaxweynuhu falan qeeytey oo dib ugu laabtay tariikhdii gumaystaha.

 

Madaxweynaha Dawladda Puntland  Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa cadeeyey in Puntland ay Soomaali  tahay, Soomaaliyana Puntland ay tahay gobonimadoonkiina shacbiga Puntland ay doorfiican ka qaateen, ka gadaal intaasi waxa  dhammaan masuuliyiinta munaasibada ka soo qayb gashay u istageen saaridda ama kor u qaaddida calanka Soomaaliyeed, ”kanasiib kanasaar”.

DHEGAYSO

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: