Daryeelka Deegaanka iyo Reer Guuraa Maanta Garoowe Banaanbax ka Dhigay

HomeWararka

Daryeelka Deegaanka iyo Reer Guuraa Maanta Garoowe Banaanbax ka Dhigay

Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigeen odayaal iyo cuqaal reer guuraa ah oo ka cabanaya boob

Muuqaalka Bulshada: Doorka dhallinyarada Puntland iyo doorashada 2019 (dhegayso)
Duqayda caasimadaha Dalalka Islaamka oo shir uga furmayo Jabuuti
Xildhibaan 15-sano katirsanaa baarlamaanka Puntland oo geeriyooday (dhegayso)

Magaalada Garoowe ee xarunta dowladda Puntland ayaa maanta waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigeen odayaal iyo cuqaal reer guuraa ah oo ka cabanaya boob iyo xirmaysi lagu hayo dhulkii xoola daaqeenka ahaa.

Odayaashaani iyo waxgaradkaan reer guuraaga ah oo ka kala yimid qaybo kamid ah deegaanada xoola daaqeenka ah ee hoosyimaada magaalada Garoowe.

Isuimaatinka barxadda kadib odayaasha ayaa sheegay in dad wata cagafcagafyo ay boob iyo xirmaysi ku hayaan dhulkii xooluhu daaqijreen, haddii aan wax laga qabana ay xaaladdu ka sii dari kadho.

Ugu dambayntiina odayaasha ayaa ugu baaqay dowladda Puntland, maamulka gobolka iyo kan degmada Garoowe in arrinkaasi sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: