HomeUncategorized

Jaamac Goobe oo loo magacaabay Hanti-dhawrka guud ee Puntland & G/sare Dayr ku xigeenka ciidanka Daraawiishta.

Garowe, May 16 | Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa M/weyne C/raxmaan M. Faroole uu xilal sare ugu kala magacaabay guddoomiyaha Hanti-

M/weyne Faroole oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Somaliya.
DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye Jama Abdurahman
Baahin: Axad, May 13, Axmed Sh. Maxamed ~ Daljir ~ Bossaso. Maxkamada darajada 1-aad ee Bossaso oo dil ku xukuntay Dooxajoog; R/wasaare Gaas oo booqday madasha shirka ee madax dhaqameedka Somalida; Puntland oo sheegtay in la marin habaabiyey dastuurka Somaliya; Kontomeeyo maxaabiis Somali ah oo laga sii daayey xabsiyo ku yaal Tanzania.

Garowe, May 16 | Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland ayaa M/weyne C/raxmaan M. Faroole uu xilal sare ugu kala magacaabay guddoomiyaha Hanti-dhawrka guud ee Puntland, iyo ku xigeenka taliyaha ciidanka Daraawiishta ee Puntland.

Jaamac Maxamed Cismaan ‘Goobe’ ayaa loo magacaabay guddoomiyaha Hanti-dhawrka guud ee Puntland, halka G/sare Dayr Xaaji Cabdi loo magacaabay ku xigeenka taliyaha ciidanka Daraawiishta ee Puntland.

Xilalka cusub ee uu magacaabay M/weyne Faroole ayaa qayb ka ah hirgelinta qorshe siyaasadeedka xukuumada cusub ee haysay hogaanka Puntland 3-dii bilood ee la soo dhaafay.

Wareegtada lagu magacaabay guddoomiyaha Hanti-dhawrka guud ee Puntland ayaa u dhignayd sidan:

Xeer Madaxweyne Lr36, May 16, 2009, kuna saabsan magacaabida Guddoomiyaha Hanti dhowrka Guud ee DGPL.

Madaxweynaha Dowladda Puntland:
Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 45-aad, faqradiisa 19-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo xilkasnimadiisa,

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo habsami u socodsiinta Guddoomiyaha Hanti Dhawrka Guud ee DGPL.

Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa loo magacaabay Jaamac Maxamed Cismaan (Goobe).

Wareegtada lagu magacaabay ku xigeenka taliyaha ciidanka Daraawiishta ee Puntland ayaa u dhignayd sidan:

Xeer Madaxweyne, Lr37, May 16, 2009, kuna saabsan magacaabida Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta.

Madaxweynaha Dowladda Puntland:
Markuu arkay: Dastuurka DGPL qodobkiisa 54-aad, faqradiisa 19-aad.

Markuu arkay: Aqoontiisa, kartidiisa iyo xilkasnimadiisa Ciidan,

Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa loo Magacaabay G/sare Dayr Xaaji Cabdi Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta DGPL.

Diiwaanka Wararka,
Idaacada Daljir.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: