Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay Sharrciyo ay ansixiyeen Labada Gole

HomeWararka

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud oo saxiixay Sharrciyo ay ansixiyeen Labada Gole

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay s

Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
Dowladda Jabuuti oo beenisay in Madaxweynaha jabuuti uu Asmara ku laban doono
Kooxda TPLF oo dalbatay shuruudo cusub kadib heshiiskii ay la gashay Itoobiya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu ku saxiixay sharciyada ay ansixiyeen Labada Gole ee Baarlamaanka ee kala ah:

1. Sharciga La-dagaallanka Argagixisada

2. Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed,
3. Sharciga Socdaalka,

4. Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha
5. Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis,
6. Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha,
7. Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.
8. Sharciga Horumarinta iyo Maareynta Kalluumeysiga Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: