Maxkamadda Ciidamada oo saaka toogasho ku fulisay Askar dilal geysatay

HomeWararka

Maxkamadda Ciidamada oo saaka toogasho ku fulisay Askar dilal geysatay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay xukuno dil toogasho ahaa ku fulisay laba askari oo dad Shacab ahaa ku kala dilay d

Warka Fiidnimo iyo Ficil Burkud, Daljir Badhan(dhegayso)
Sheeko Gaaban: Sheekada Ismadhaanto – Taxanaha 36aad
Caawa & Daljir iyo Axmed Shiikh Maxamed (Tallman), Daljir Boosaaso (dhegayso)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saaka waxaa ay xukuno dil toogasho ahaa ku fulisay laba askari oo dad Shacab ahaa ku kala dilay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe & degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir.

Qaasim Ducaalle Cabdi oo hore u Dilay Abuukar Maxamed Sheekh Nuuraani (Abirimo) & Xasan Juulle Shaakir oo isna Dilay Cali Taliye Cariif ayaa laga oofiyay Xadkii Qasaasta ahaa ee ay ku xukuntay Maxkamadda Ciidamada.

Labadan laga Oofiyay xadka ayaa maalin qura oo ah 10-kii January Sanadkan Xamarweyne iyo Balcad ku kala dilay Laba Muwaadin oo nolosha halgan ugu jiray.

Midna Alaabta Yaryar ee Jukaatarada loo yaqaan ayuu Xamarweyne ku iibin jiray kan kale Bajaajle ayuu ahaa, waxaana toogashada soo dhaweeyay Ehellada labada Marxuum ee horay ay askarta u dileen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: