Maamulka Jubbalamd oo shaaciyay in la dar dar gelin doono howlgalka ka dhanka ah AS

HomeWararka

Maamulka Jubbalamd oo shaaciyay in la dar dar gelin doono howlgalka ka dhanka ah AS

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee JuBbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Jubbalan

MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA QEYB GALAY MUNAASABADDA XIRITAANKA TARTANKA DOWLAD GOBOLEEDYADA DALKA
Masuul dowladeed oo Qarax lagu dilay gobalka shabeelaha Hoose
Caawa & Daljir iyo Maxamud Cabdi Ibrahim, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweyne ku xigeenka labaad ee JuBbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (lugadheere) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Jubbaland iyo Ciidamada Xooga dalka ee ku sugan deegaanka Janaay Cabdalle ee Gobolka Jubada Hoose.

Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka oo ay kamid ahayeen Wasiirka Caafimadka Maxamed Cabdi Oogle, Wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Injineer Ismaciil Axmed Garas iyo Guddoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa Ciidamada gaarsiiyay taakulo kala duwan oo ka kooban daawooyin iyo xoolo nool.

Sarakiisha Ciidamada ayaa Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka uga warbixiyay xaalada degaanka iyagoo sidoo kale la kulmay dadka degaanka.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahad celiyay dadka degaanka Sida hufan ee ay usoo dhaweeyeen Ciidamada usoo gurmaday isla markaana ay diyaarka ugu yihiin xoraynta degaannada wali ka maqan gacanta Dowladda.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: