Maxaa looga hadlayaa Shirka uu ka qeyb geli doono Madaxweyne Xasan Sheekh ee Mareykanka?

HomeWararka

Maxaa looga hadlayaa Shirka uu ka qeyb geli doono Madaxweyne Xasan Sheekh ee Mareykanka?

Todobaadka soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Washington ee dalka Mareykanka in uu ka furmo shir madaxeedaka Mareykanka iyo Afrika, kaas oo

Garoowe: Beesha idifacle oo sheegay in la boobay kursigoodii
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Garoowe (dhegayso)
CAAQIL SHANLEYSTE OO U HAMPALYO UDIREY NABADOON CUSUB OO DHOWAAN LAGU CALEEMA SAAREY CEEL DAAHIR

Todobaadka soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Washington ee dalka Mareykanka in uu ka furmo shir madaxeedaka Mareykanka iyo Afrika, kaas oo Soomaaliya uu uga qeyb geli doono Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Malawi oo la yiraahdo Lazarus Chakwera ayaa sheegay in shir-madaxeedka Mareykanka iyo Afrika uu madaxda qaaradda siin doono fagaare ay ku cabbiraan fikradahooda ku aaddan sida ganacsiga Mareykanka iyo Afrika uu horumar u gaari karo, gaar ahaan aagga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika.

Sean Kampondeni, oo ah agaasimaha isgaarsiinta ee madaxweyne Chakwera, ayaa sheegay in madaxda Afrika ay ku qanacsan yihiin in dariiq looga baxo horumar la’aanta ay tahay ganacsiga iyo maalgashiga oo si wadajir ah looga wadahadlo oo aan qolo kaliygeed hagin.

“Waxaa jirta xiiso weyn oo ay madaxda Afrika u qabaan inay sahamiyaan suuqyada la geeyo wax soo saarka Afrika iyo sidoo kale sahaminta maalgashiga suuqyada kala duwan ee qaaradda Afrika. Kulanka uu marti-gelinayo Biden madaxda Afrika, waa fursad iyo madal weyn” ayuu yiri Sean Kampondeni.

Madaxweyne Joe Biden ayaa marti-gelin doona madaxda Afrika inta u dhaxaysa 13-15 December, waxaana Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ay sheegtay in shir-madaxeedkan uu kor u qaadi doono qiyamka la wadaago, si loo kobciyo ka qaybgalka dhaqaale cusub, horumarinta nabadda, amniga, iyo dowlad wanaagga, iyo xoojinta ballanqaadka labada dhinac ee dimoqraadiyadda, xuquuqul insaanka iyo bulshada rayidka ah.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: