Jubbland oo shir ka yeelatay khilaafyada soo laab laabta ee dhulalka

HomeWararka

Jubbland oo shir ka yeelatay khilaafyada soo laab laabta ee dhulalka

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay madaxda Hay’adda Milestone ee maamulka iyo maa

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo la kulmay Darawaladda Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka iyo Bajaajta
Sii-hayaha ra’iisul wasaaraha oo magacaabay guddiga munaasabadda xil wareejinta ra’iisul wasaaraha cusub
CABDISALAAN BASHIIR: “DHAMAAN WAAN ISKA CASILAY JAGOOYINKAN KA HAYEEY MAGAALADDA BOSAASO”

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa kulan la qaatay madaxda Hay’adda Milestone ee maamulka iyo maareenta arrimaha dhulka Jubbaland.

Kulanka waxaa qayb ka ahaa qaar kamida Golaha Wasiirada Jubbaland, Maamulka Gobolka Jubbada hoose iyo kan degmada Kismaayo, Masuuliyiinta Garsoorka, Xeer ilaalinta iyo madax kale.

Qodobka ugu muhiimsan ee laga hadlayay waxa uu ahaa sidii dib u eegis loogu sameen lahaa arrimaha dhulalka iyo xal u hellidda khilaafaadyada kasoo laalaabta dhulka.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa faray hay’adaha garsoorka iyo kuwa Amniga inay si deg deg ah wax uga qabtaan khilaafyada la xiriira dhulalka ee soo laab laabta.

Degaano badan oo kuyaalla Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca khilaaf la xiriira dhulalka, kaas oo sababa dagaal gacan ka hadal ay dad u dhintaan kuwo kalena ku dhaawacmaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0