Xaalad cabsi ah oo Maanta ka taagan degaannada Somaliland .

HomeWararka

Xaalad cabsi ah oo Maanta ka taagan degaannada Somaliland .

Khalalaasooyin Siyaasadeed iyo mid amni ayaa laga cabsi qabaa inay Maanta ka dhacaan degaannada Soomaaliland, xilli Maanta ay ku egtahay muddo xileedk

Warka Kooban ee Xulashada Daljir (dhegayso)
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo magacaabay Guddi heer Wasiiro ah oo ka tala bixiya xaaladda Gobolka Hiiraan
Maanhadal: Khilaafka Siyaasadeed ee Puntland iyo saamaynta nabadda iyo jiritaanka Puntland

Khalalaasooyin Siyaasadeed iyo mid amni ayaa laga cabsi qabaa inay Maanta ka dhacaan degaannada Soomaaliland, xilli Maanta ay ku egtahay muddo xileedka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Guud ahaan Magaalooyinka iyo degaannada Somaliland ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaa ay dhoobtay Ciidamo farabadan, kuwaas oo gaadiidka noocyadiisa kala duwan baaritaano ku sameynaya, halka meelaha qaar dadka ka celinaya.

Xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee UCID & WADANI oo horay u sheegay in aysan aqbaleyn muddo kororsi ay sameysato Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa Maanta laga sugayaa in ay go’aan qaataan maadaama muddo xileedkii Madaxweynaha Somaliland uu dhamaaay welina uusan dooasho qaban.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qaba in ka hor doorashooyinka Madaxtooyada ama Madaxwenaha la qabto doorashada Ururada Siyaasadda, balse Xisbiyada mucaaradka ay taasi kasoo horjeesteen maadaama meesha ay ka baxayaan.

Xisbiyada mucaaradka Somaliland ayaa horay magaalada Hargeysa iyo degaannada kale ee Maamulkaas waxaa ay uga dhigeen bannaanbaxyo rabashado watay, kuwaas oo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ahaa.

Xaalad kacsanaan ah ayaa Maanta laga dareemayaa Magaalooyinka Somaliland, waxaana Bulshada ay ka cabsi qabaan inay isku-dhacyo dhexmaraan Ciidamada Somaliland ay waddooyinka dhoobtay iyo Xisbiyada mucaaradka oo kasoo horjeeda in uu muddo oordhin sameysto Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: