Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo lagu la’yahay xeebaha Giriiga

HomeWararka

Tahriibayaal Soomaali ku jirto oo lagu la’yahay xeebaha Giriiga

Ugu yaraan lix muhaajiriin ah ayaa lagu la’yahay Jasiiradda Leros, Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaana baadigoobaya sida ay sheegeen saraakii

Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Garoowe (dhegayso)
Shacabka Boosaaso oo ka cabaya sara ukac ku yimid Qiimaha Rootiga (dhegayso)
“The ‘recognition’ has been wholly swallowed by Dhulbahante”

Ugu yaraan lix muhaajiriin ah ayaa lagu la’yahay Jasiiradda Leros, Maraakiibta ilaalada xeebaha Giriigga ayaana baadigoobaya sida ay sheegeen saraakiisha xeebaha dalkaas oo sidoo kale baaraya waxyaabahii sababay shilkan.

Dadka saarnaa Doonta ayaa sida la sheegay u badnaa Sierra Leone, Soomaali iyo Uganda, Saraakiisha baadi goobka dadkan ku howlan ayaa sheegay in Doontan ay saarnayeen 55 qof, waxaana wali la la’yahay Lix ruux.

Ciidamada ilaalada xeebaha ayaa sheegay in ay billaabeen howlgallo balaaran oo lagu samatabixinaayo dadkan Tariibayaasha ah.

Laba markab oo nooca Ganacsiga ah ayaa hawlgalkan ka bilaabay Pylos, oo ah meel ka baxsan xeebaha koonfur-galbeed ee Giriigga, si loo soo badbaadiyo dad la sheegay in wali lagu la’yahay Badda.

Sarakiisha gurmadka u sameeyay dadka la badbaadiyay ayaa sheegay in la geeyay dekada Kalamata ee dalkasi Giriigga.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: