Guddiga Doorashada oo Booqday Xarumaha loo Qorsheeyay Doorashada Magaalada Beledweyne

HomeWararka

Guddiga Doorashada oo Booqday Xarumaha loo Qorsheeyay Doorashada Magaalada Beledweyne

Xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo ku sugan Beledweyne ayaa kormeeray xarumaha loo asteeyay inay ka dhacdo d

Guddiyada Dastuurka ee Baarlamaanka oo Qaaddacay Shirka Dib-u-eegista Dastuurka ee Berri
Duqa Muqdisho oo Amray Burburinta Goobo sharci darro ah (Sawiro)
Guddiga Gurmadka Qarixii Zoobe Heer Puntland oo Maanta Muqdisho u dhoofay (Dhegayso+Sawiro)

Xubno ka tirsan Guddiga doorashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo ku sugan Beledweyne ayaa kormeeray xarumaha loo asteeyay inay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xarumaha ay booqdeen xubnahan ka socday Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa waxaa ka mid ah Lama Galaay, Xarunta Gobolka iyo xarunta AU Sector.

Xubno ka socday guddiga doorashooyinka heer Fedaraal oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ayaa waxa ay u kuurgaleen xarumahan iyo sida ay suurtogal u tahay in lagu qabto doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Xubnaha ka socda guddiga doorashada ayaa sidoo kale waxa ay maanta magaalada Baledweyne kulan kula qaateen Madaxweyne ku xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa xubnaha guddiga waxaa uu warbixin ka siiyay xaalada Magaalada Beledweyne iyo sida uu Maamulka Hirshabeelle ugu diyaarsan yahay qabashada doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: