HomeWararka

Sucuudiga oo 30 sanno kaddib Soomaaliya usoo magacaabay Safiir

Boqortooyada Sucuudiga ayaa safiir rasmi ah u soo magacowday Soomaaliya. Danjire Axmed bin Maxamed Al-Mawluud ayaa noqon doona safiir u horreeyey e

Barnaamijka Badbaado Doorka dhallinta ee Nabadeynta & Dimoqraadiyenta Dalka
Ciidamada Kenya oo gacanta ku soo dhigay Nin ku eedeysan fal Argagixiso
Qofkii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo Coronavirus ugu dhintey Sacuudiga

Boqortooyada Sucuudiga ayaa safiir rasmi ah u soo magacowday Soomaaliya.

Danjire Axmed bin Maxamed Al-Mawluud ayaa noqon doona safiir u horreeyey ee Muqdisho fadhiisan doona 30 sanno kaddib.

Boqorka Sucuudiga ayaa ku dhaariyey danjiraha habka-fogaan-aragga.

Wafdi ka socda Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga ayaa bishii la soo dhaafay socdaal ku yimid Muqdisho si ay u darsaan suurtagalnimada in Safaaradda Sacuudi Carabiya laga furo Soomaaliya.

Safarku wuxuu qayb ka ahaa qorshayaasha Riyaad ee ah inay fidiso shabakadeeda diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: