Ahlu Sunna oo la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka Gadgaduud

HomeWararka

Ahlu Sunna oo la wareegtay deegaano ka tirsan gobolka Gadgaduud

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ururka Ahlu Sunna uu bilaabay inuu isku balaariyo deegaano horleh toddobaad ka hor markii

Guddoomiye Yarisow oo daah-furay hab casri ah oo loo adeegsan doono aruurinta qidmadaha gaadiidka dadweynaha
Madaxwaynaha Koonfur Galbeed muxuu ka yiri mowshinka Baydhabo?
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir oo sheegay in Qabuuraha Muqdisho lagu aasay 500 qof oo meyd ah

Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ururka Ahlu Sunna uu bilaabay inuu isku balaariyo deegaano horleh toddobaad ka hor markii uu la wareegay magaalada Guriceel.

Howlgalo ay sameeyeen dagaalamayaasha Ahlu Sunna ayaa waxa ay kula wareegeen deegaano ka xiga dhinaca bari iyo dhinaca koofur magaalada Guriceel halkaa oo ay Alshabaab hore ugu sugnaayeen.

Xoogagga Ahlusunna oo ku hubeysan Gaadiidka Dagaalka ayaa gudaha u galay degaanno ay hore u joogeen Al-shabaab balse isaga baxay kahor intaysan soo gaarin Ahlu Sunna.
Ahlusunna ayaa waxa ay dhawaan sheegtay inay bilaabayaan howlgalo ay ugaga xoreynayaan Alshabaab deegaanada ay uga sugan yihiin Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: